U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow  Safarkii Iyo Socdaalkii Caawinta Kooxda Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Melbourne

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda jaaliyada Soomaaliyeed Ee Melbourne ayaa sanadkii saddexaad ciyaar saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho u imaaday dalka waxayna sidoo kale soo kordhiyeen caawinta dadka qaba baayiha gaarka ee xaga caafimaadka,iyagoo booqashooyin iyo is-dhaxgal bulsho 2018 ku maray magaaalooyinka Nairobi,Kismaayo Muqdisho iyo Baydhabo.

27-November 2018- ayay kasoo baxeyn Magaalada Melbourne ee dalka Australia wuxuuna socdaalka xambaarsanaa ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho waxaana la socday koox tariikh ah.

29-November 2018-wafdiga kooxda jaaliyada Melbourne ayaa socdaalka kasoo bilaaway magaalada Nairobi ee Kenya waxaana halkaas kusoo dhaweeyay jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Kenya iyo ciyaartooydii hore ee Soomaaliya,iyagoo sheegay in sanadaha soo aadan ay sugidoonaan kooxdan.

30-November 2018-Kooxda Islii Stars ayaa ciyaartii kowaad ee saaxiibtinimo waxa ay xdigaha Melbourne kula ciyaareen dalka Keyna waxaana kulankaas ka qey galay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo howlo shaqo u joogay magaalada Nairobi sidoo kale waxaa ku sugnaa mas’uuliyeen ka socotay safaarada Soomaaliyeed ee Kenya .

01-December 2018-magaada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne waxaaa si here sare ugu soo dhaweeyay xiriirka kubbadda cagta Jubaland,iyagoo bogaadiyay booqashada wafdiga jaaliyada Soomaaiyeed reer Australia.

02-December 2018-kooxda Jubaland oo ah horyaalka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa garoonka kubbadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xidigaha Melbourne waxayna u aheyd ciyaartoodii labaad ee saaxiibtinimo ay ciyaaran xirfadlayaasha Melbournme,xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa bogaadiyay jaaliyada Melbourne sida ay albaabada ugu fureyn jaaliyadaha kale ee u baahan in ay soo booqdaan deegaanada Jubaland.

03-December 2018-kooxda gabdhaha ee taariikhda la socotay safarka Melbourne ayaa qaliinkoodii kowaad ee indha fiiqista iyo haweenka isku furanka ka sameeyay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland waxaana arinta bogaadiyay dadkii qabay baahiya gaarka ee xaga caafimaadka,iyagoo jaaliyadaha kale ka codsaday caawinta walaalahooda ku dhibaataysan gudaha dalka.

Inta ay  Kismaayo joogeyn waxa ay booqdeyn deegaanka Goobweyn oo magaalada Kismaayo u jirta 15KM dhinaca waqooyiga waana deegaan tariikh fogleh oo aad u qurux badan waxaana la sheegaa in tariikh ahaan ay ka facweyn tahy magaalada kismaayo.

05-Dember 2018-ka dib maalihii qorshaynaa ay kooxda Melbourne ku joogeyn Jubaland waxa ay kasoo dageyn garoonka aadan cadde ee Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah ciyaartooyda Melbourne ayaa inoo  sheegay in wadanka uu is badlayo sandaba sanadka ka danbeeya xaga dhismaha iyo horomarka taasna ay guul u tahay qofkasta oo Soomaali ah.

07-December 2018-xidigaha Gobolka Banaadir ayaa ciyaartii kowaad ee saaxiibtinimo waxa ay kooxda Melbourne kula dheeleen garoonka Banaadir ee caasimada Muqdisho waxayna labada dhinac taageerayaashii kasoo qeyb galay kulanka usoo bandhigay ciyaar aad loogu riyaaqay.

 

08-December 2018-kooxda degmada Kaaraan ayaa kulankii 2-aad ee loo qorsheeyay xidigaha Melbourne kula ciyaaray isla garoonka Baanaadir ee degmada Cabdi Casiis,inkastoo xidigaha Melbourne ayaa kulankaas ku badiyeen natiijo 4-3 ah.

09- December 2018-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo wafdiga kooxda jaaliyada Soomaaliyed ee Melbourne ayaa booqasho iyo indha indheyn u tagay garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho waxaana dhalinyarada lagu soo wareejiyay qeybaha kala duwan ee tuulada ciyaaraha,iyagoo balan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dib u dayactirka garoonka ugu weyn wadanka.

10-Decmber-2018-Kooxda gabdhaha tariikhta oo qeyb ka ahaa safarka Melbourne ayaa maagalada Muqdisho ka fuliyay qaliinka indha fiiqista,qaar ka tirsan taqaatiirta ayaa inoo sheegay in ay jirto baahi badan oo caafimaad,balse hadii ay iska kaashadoaan qurbajoogta iyo dadka gudaha mustaqbalka la ciribtiro karo.

10-Decmber 2018-Kooxda kubabdda cagta Midnimo ayaa ciyaartii u danbeesay ee saaxiibtinimo loo qorsheeyay xirfadlyaasha Melbourne kula ciyaaray caasimada Muqdisho,tababare Cal Xuseen ayaa u mahad celiyay dhamaan Kooxihii ay kula ciyaareen maaglloyinka kala duwan sanadkii tagay 2018.

11-December 2018-wafdiga ciyaartooyda macalimiinta iyo tariikhda ayaa u amba baxay magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed waxayna u aheyd markii ugu horeesay ay jaaliyada reer Australia ay booqasho u tagaan degaanada Koonfur Galbeed waxaana si weyn garoonka ugu soo dhaweyay maamulka degmada Baydhabo iyo bahda ciyaaraha waxayna arinta go’gol xaar u aheyd iso soo dhawaasho dhex marta shacabka reer Koonfur Galbeed iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Australia.

12-December 2018-Baydhabo kaliya waxa ay ku dheelaan hal kulan oo qura waxayna la ciyaareeyn xidigaha kooxda Koonfur Galbeed,inkastoo wiilasha uu hogaamiyo macalin Cali Xuseen ee Melbourne ay ku badiyeen 1-0 waxayna aheyd ciyaartoodii u danbeesay ee saaxiibtinimo iyo is-dhaglka bulshada sanadkii tagay 2018.

14-December 2018-waxaa soo idlaaday socdaalkii wafdiga ciyaartooyda,macalimiinta iyo kooxda taariikhta ay ku kala baxiyeen magaalooyinka Nairobi,Kismaayo,Muqdisho iyo Baydhabo waxayna si wadajir u balanqaadeyn in sanadka soo aadan ay badindoonaan caawinta walaalahooda ku dhibaataysan gudaha si mustaqbalka loo ciribtiro baahida caafimad ee ka jirta gudaha Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Socdaalkii 3-aad ee Kooxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee Reer Australia

W/DMaxamed Xuseen Qalinle

Email[email protected]