U bood dhigaalka

Wax ka Ogow Taariikh Nololeedka Abshir Bukhaari, Waiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya?

Sheeko:Amniga

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee aqalka sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed ayaa waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada qaranka, kadib markii maanta Ra’iisulwasaare Xamse uu ku dhawaaqay golaha wasiirrada xukuumadda federalka Soomaaliya.

Taariikhdiisa oo kooban:
Abshir: Waxaa uu dhashay June 1970-kii, waxaa uu ku dhashay Xarardheere.
Abshir (Bukhaari), waa shakhsi khibrad badan leh, wax badan ka yaqaano siyaasadda Soomaaliya, xiliyadii dambe goobaha uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah:
(1). 1991-1992: Care International
(2). 1996-1998: Hey’adda AMA
(3). 1999: BBC Monitoring
(4). 2004-2006: Hey’adda CRD, isku duwaha barnaamijyada
(5). Waxaa uu muddo ka shaqeeyay UN HABITAT
(6). 2006-2010: Telefishanka Caanka ah ee Al-Jazeera Network
(7). 2010-2011: Agaasime Madaxtooyada Soomaaliya
(8) Waa Milkiilaha Goobjoog Media Group iyo Somali Media.
(9. Aasaasaha Baarlamaanka Barbaarta oo ka kooban tiro la mid ah tirada Xildhibaanada federaalka oo 30% ay gabdho yihiin.
Abshir Bukhaari, waxaa uu wax badan ka qabtay arrimaha banii’aadamnida, waxaa kaloo uu lahaa goobo waxbarasho oo lagu daryeelo caruurta, dadka dan yarta ah iyo xitaa caruurta dadka laga tirada badan yahay.
October 15, 2016: Waxaa uu Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) noqdey senator-kii ugu horeeyay ee la doorto, xilligaasi kadib waxaa uu xafiis doorasho deegaan ka furtey Cadaado isagoo dhisey Iskuul barakacayaal wax ku bartaan.
Sanadkan 2022-ka, waxaa uu ahaa madaxda ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Goobjoog News