U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Taariikhda Laacibkii Hore Soomaaliya Iyo Naadiga Badda Shariif Maxamed Abayle

Sheeko:Cayaaraha

Shariif Abayle Maxamed waxa uu ka mid ahaa xirfadyahanadii hore kubbadda cagta Soomaaliya,isagoo halganka ciyaaraha ka soo bilaaway magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada hoose horaantii 1950,balse Shariif oo in badan dhallinyarada soo koraysa aysan wax ka aqoonin taariikhdiisa  ciyaaraha ayay inoo suura gashay in aan wax ka waydiino,waase kan isagoo oo faah faahinaya.

Inta ugu badan laacibintii hore ee dalka ayaa waayahooda isboortiga ka soo bilaaway heerka gobolada ay ku dhasheyn ka dibna waxa ay soo gudbi jireyn maagalada Muqdisho,balse sidee ugu suurta gashay ciyaaryahana Shariif Abayle ku soo biiritaanka kooxihii ka dhisanaa caasimada Muqdishu.

Sidoo kale intii aan kuguda jirnay dhax reebka sooyaalka ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka iyo naadiga Badda wuxuu sharaxaad naga siiyay sida ay ku timid u dheelsita Xulka Qaranka Soomaaliya iyo xasuusihii gaar ah ee waayihiisa Qaranka dhinaca guulaha iyo ka qeyb galka tartamada dibadda.

Laacib Shariif waxa uu sheegay markii uu ka fariistay ciyaaraha inuu noqday tababare ,isagoo soo saaray xirfadlayaal badan oo guul ka gaaray kubbadda cagta kuwaas oo badankooda iminka ah macallin kaalin wanaagsan ka qaatay guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Sooyaalka Laacibkii Hore Soomaaliya Shariif Maxamed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle