U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Xaaladda Khaliif Xaftar

Sheeko:Dalka

Afhayeen u hadlay hoggaamiyaha Millatariga ee Libya Khaliif Xaftar ayaa sheegay in lagu daaweynayo magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, waxaa uu tilmaamay in Xafter uu xanuunsaday , maalmaha soo socdana uu dalka dib ugu soo laaban doono.

Axmed Al-Mismaari oo ah afhayeenka u hadlay Khaliif Xafter ayaa intaas ku daray in uu xanuun dareemay xilli uu booqasho uu ku marayey dhowr dowladood, haddana uu dib ugu soo laaban doono Libya ka dib markii la soo daaweeyo.

Afhayeenka waxaa uu sheegay in Khaliif Xafter uu marayo baaritaan caadi ah xaaladdiisana aysan aad u cusleyn, waxaa uu sii raaciyey in marka uu Libya uu ku soo laabto uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argigixisada.

Todobaadkii la soo dhaafay  waxaa la baahiyey warar ku saabsan xaaladda caafimaad ee Khaliif Xafter, halka warbaahinta gudaha dalkaasi ay sheegeen in uu dhintay ka dib maruu wadnaha istaagay.

Khaliif Xafter ayaa ah 75 sano jir, waxaa uuna ku caan baxay dagaalka uu kula jiro kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Libya.

Waxaa uu dhashay sanadkii 1943, isaga oo ka baxay kulyadda Millatariga ee Benghazi sanadkii 1966.

Goobjoog News