U bood dhigaalka

Wax ka yar 10 maalmood gudahood waxaa muqdisho isku daldaly labo dhalinyar ahaa, sababtu maxay tahay | Warbixin

Sheeko:Dalka

Wax ka yar toban maalmood gudahood, laba dhacdo oo anfariir leh ayaa ka kala dhacay degmooyinka dharkiinleey iyo deyniile ee gobolka banaadir, taasoo ku saabsan in laba dhalinyar ahaa ay guryahooda isku dhex daldaleen iyagoo nafta is dhaafiyay

Isla magaalada muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood waxaa ka dhacay dhacdooyin kuwaas la mid ah oo dad ay iyagu gacantooda isku dileen, dhammaan dhacdooyinkaas isku midka ah ee dalka ka dhacaya waa kuwo ugub ku ah, horena aan sidan oo kale u dhici jirin oo haddii ay jirtana dhif iyo naadir ahaa

Dhacdooyinkii hadda ugu dambeeyay ee ka kala dhacay dharkeenleey iyo deyniile wiilasha iyaga gacantooda isku daldalay waxay ku yimaadeen culeys dhaqaalle iyo muran qoyska dhexdiisa ah, haddaba waxaa is weydiin mudan maxay yihiin waxa dhacdooyinkan foolxumada badan keenaya isla markaana sabab u ah in ay bataan.

Sabab kastaba haku timaadee, in qofku uu isagu gacantiis sabab isugu noqdo in uu dhinto ama is dilo waa dhaqan aan lagu aqoon soomaalida dhexdeeda isla markaana lagu xarrimay diinteenna islaamka, waa kan sheikh cabdulxayi sheikh aadan oo ka warramaya waxa ay diintu ka qabto in uu qofku is dillo.

Qof kasta waxaa ku gedaaman daruufo u gaar ah, kuwaasoo kala adag ama kala culus laakiin sidaas oo ay tahay in duruufahaas dartood uu qofku nafta is dhaafiyo waa arrin aan sinna garawshiyo u laheyn, taas darteed marka uu qofku dareemo wax uun culeys adduun ah, maxay tahay in uu sameeyo  sheikh cabdilxayi, ayaa inooga waramay.

Dhaqanka ah in qofku uu isagu is dilo qaabkuu doonaba ha u adeegsadee, waxaa ay ku badneyd bulshooyinka waddamada kale ku nool gaar ahaana galbeedka iyo kuwa aasiya dhaca sida hindida oo inta badana filimadooda kusoo dara qisooyin kuwaas ka tarjumaya
Ustaad Cabdiraxmaan abdulihi  Garabeey waxa uu qabaa aragti ah in dowladdu ay sida ugu dhaqsiyaha badan xil weyn iska saarto wacyigelinta bulshada iyo ka hortagidda daraagiska, isagoo aaminsan in mukhaadaraadku uu door lixaad lehi ka qaato in uu qofka naftiisa dilo.

Sheikh cabdulxayi wuxuu ka sheekeynayaa sida aysan sax u aheyn wax kasta oo filimada dhexdooda lagu sheego ama lagu soo bandhigo taasoo ay ka mid tahay dadka iyaga is dilaya.

Si kooban waxan u dhihi karnaa, sabarka, dulqaadka, iyo in uu qofku joogteeyo halganka nolosha waxay qofku ka badbaadin karaan in uu dib u noqdo iskaba daa inta uu quusto in uu is dilo’e, waxayna u horseedi karaan in uu hor-ukac joogto ah sameeyo

Muna Taaktaaksde Goobjoog muqdisho