U bood dhigaalka

Wax qabadka dowladda FS ee todobaadkii tagay oo la soo saaray

Sheeko:War
0193
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlayey arrimo ay ka mid yihiin, Weerarkii Madaxtooyada 8dii July, Isbedello lagu sameeyey madaxda Hay’adaha Amniga, Shirka Wadatashiga Xeerka Saxaafadda, Qorshaha dib u kabashada iyo Horumarinta Beeraha Soomaliya, tababar loo fidiyey shaqaalaha Wasaaradda Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Argagaxisada iyo baaq ku wajahan bisha Ramadanka.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey falkii weerarka ee Madaxtooyada ayaa yiri “Gaari Noha ah oo uu waday shaqsi lagu magcaabo Hassan,  isagoo gaariga ku waday 3 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo watay dharka ciidanka dowladda. Ciidanka Madaxtooyada ayaa ka shakiyey 3dan qof, oo halkaas oga hortagey qorshahoodii. Askarigii ka hortagey ayaa hal darajo la dalacsiiyey, abaalmarina loo ballanqaaday. Gaarigii ayaa albaabka Madaxtooyada ku qarxay. Ciidanka Madaxtooyada ayaa ka hortagay in maleeshiyaadkaas ay howgalkooda ku guuleystaan oo dhammaantood halkaas lagu dilay. Darawalkii fududeeyey falkan ayaa gacanta ciidanka ku jira. Waxaan ku ammaanayaa ciidanka dowladda oo runtii hor istaagay falkan iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey isbedellada Hay’adaha Amniga dalka ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa xeeriyey in Wasiirka Amniga Qaranka loo magacaabay Khalif Axmed Ereg oo aqoon u leh arrimaha amniga oo uu in muddo ah ka soo shaqeynayey. Sidoo kale waxaa xilalkii laga qaaday Taliyihii Booliiska S/Guuto Cabdixakim Dahir Saacid iyo Taliyihii Nabad Sugidda S/Gaas Bashir Maxamed Jama. Waxaana loo magacaabay Taliyaha Booliska S/Guud Maxamed Sheekh Xasan Ismail oo aqoon fiican u leh arrimaha Booliiska. Agaasimaha guud ee hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa loo magcaabay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)  Ujeedada isbedelkan hay’adaha amniga ayaa ah in la dar-dargeliyo howlaha amniga iyo xasilinta dalka. Si amniga caasimadda dalka uu u noqdo mid hagaaga ayaa waxaa la faray Wasiirka Amniga Qaranka in Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda ee Gobolka Banadir ay si toos ah u hoos tagaan Guddoomiyaha Gobolka Banadir si ay u sahlanaato wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banadir.”

Wasiirka Warfaaftina oo ka hadlayey Shirka Wadatashiga Xeerka Saxaafadda ayaa yiri “7dii iyo 8dii July waxaa noo qabsoomay la tashiyo lala sameynayey qebaha kala duwan ee warbaahinta  iyo bulshada rayidka ah. Ujeedada ayaa ahyed in Xeerka Saxaafadda la lafaguro isla markaana tallooyinka iyo aaraada bulshadana la tixgeliyo si Xeerka uu u noqdo mid u daneeya danaha Saxuufiyiinta Soomaaliyeed isla markaana qeexa waajibaadka iyo xaquuqda saxuufiyinta Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaana shirka furay 7dii July. Wasaaradda Warfaafinta waxaa ka go’an in Xeerka Saxaafada uu noqdo mid dhammaan qeybaha ay khuseysa ay fursad u helaan ka hor inta aan la ansixinin. Dhowaan ayaa loo gudbin doonaa golaha wasiirada si ay u ansixiyaan, ka dibna waxaa loo gudbin doonaa Baarlaamanka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Qorshaha Dib u kabashada Beeraha Dalka ayaa yiri “Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo ayaa 7dii July kormeer ku tagey Degmada Afgoye si uu ugu soo kuurgalo xaaladda beeraleyda Soomaaliyeed, dalagyada beeraha iyo isagoo kormeeray Xarunta Cilmibaarista Beeraha Afgoye oo wasaarada Beeraha Dooneyso inay dib u howlgeliso. Wasiirka Beeraha ayaa sheegay inuu doonayo in Beerihii Wasaaradu ku laheyd Degmada Afgoye iyo xarumihii Wasaaradda dib loo howlgelin doono. Qorshaha Dowladda ayaa ah in la dhiirigeliyo beeraleyda Soomaaliyeed si xilliga dib u kabashada loo gaaro horumar ballaaran oo horumariya dhaqaalaha iyo isku filaanta dalka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey tababar kor loogu qaadayo tayada dumarka Soomaaliyeed ayaa yiri “Wasiirka Haweenka & Xuquuqul Insaanka  Marwo Khadija Maxamed Dirie ayaa tababar 3 cisho soconayey u qabatay shaqaalaha Wasaaradda oo ku wajahan sidii looga hortagi lahaa tacadiyada loo geysto dumarka, gaar ahaan kufsiga. Hay’adaha UNFPA iyo UNICEF ayaa Wasaaradda kala shaqeysey tababarkan. Ujeedada tababarkan ayaa ahaa in shaqaalaha Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ay helaan xirfadihii u sahli lahaa in la joojiyo tacadiyada dumarka loo geysto. Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in la illaaliyo sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo laga hortago dhammaan tacadiyada loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagaxisada ayaa yiri “10kii July ayuu golaha wasiiradu ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagaxisada oo ah markii ugu horreysey ay Soomaaliya yeelaneyso sharcigan. Waxaana dhowaan loo gudbin doonaa Baarlamaanka si uu uga doodo una ansixiyo. Ujeedada Sharcigan ayaa ah in maxkamadaha dalka helaan sharcigii qeexayey tallaabada laga qaadayo cid allaale iyo cidii lagu helo falal argagaxiso ah. Sharciyada dalka ee hadda jira ma qeexayaan danbiyada sida gaar ah ay argagaxisadu u fuliyaan. Sharcigan waxuu keenayaa in dadka argagaxisada ah ay muteystaan ciqaabta ay mudan yihiin. Arrinkan ayaa ah tallaabo loo qaaday dhanka sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Baaqa Bisha Ramadanka ayaa yiri “Waxaan mareynaa bartamihii bisha barakeysan ee Ramadan, waxaan jeclaan lahaa in shacabka ugu baaqo inay muhiim tahay inaan is caawino oo deriska iyo kuwa aan waxba heysan la taakuleeyo, isla markaana la xasuusto in maalmaha ciidda loo baahanyahay inaan dhammaan carruurteenna ka wada farxino oo ay helaan farxad ay ku ciidaan. Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dhammaan hay’adihii dowliga iyo kuwii aan dowliga aheyn oo raashin iyo timir gaarsiiyey dadkii tabaaleysnaa, waana inaan sii xoojino dadaaladan.”

 Wasaaradda Warfaafinta & Hannuunita Dadweynaha

DHAMAAD –