U bood dhigaalka

Wax qabdka Goobjoog FM iyo hiigsigeeda xilli maanta ay labo jirsatay

Sheeko:War

Goobjoog FM logo

Maalin sabti ah 14kii july 2012 waa markii ay hawada kusoo biirtay Goobgjoog FM oo ka mid noqotay idaacadah madaxa bananaan ee ka holwl gala Muqdisho hadafka aasaaska idaacada ayaa ahaa in la helo bulsho ku adag dhinacyada dhaqan, diinta, waxbarashada, iscaawinta, wax wada qabsiga, haysana toobiyha san.

Idaacada oo gu,jirsigeedu maanta labo sano gaaray ayaa hada u muuqata mid waayo badan jirtay kadib qiimeynta bulshada dhegysata idaacadaha soomaaliyeed.

Baahinta barnaamijyo wax ku ool ah iyo wacyi gelino shacabka loogu tusaaleynayay ka faa,iideysiga awoodohooda qarsoon mudadii ay jirtay idaacadu ayaa kamida dhaqaaqa wixii qabsoomay.

Udaacad ah dadweynaha waa hal ku dhiga Goobjoog FM, waxaana tusaale kaaga filan barnaamiyada faraha badan ee ka baxa idaacada kuwaas oo u hiiliya bulshada kuwooda danta yar, dulman ,caruur, ciroole, haween, rag iyo dumar banaankana soo dhiga wax qabadka dadkaas iyo fikradahooda sida barnaamijka “Xaalada Naafada”.

Barnaamijkaas waa mid diirada lagu saaro ogaanshiyaha xaaladaha naafada soomaaliyeed, dayaca ay qabaan, helitaanka xaquuqdii ay xaqa u lahaayeen u hiilinta dadkaas qaar ka mid ah lixaadkoodii beelay iyo awood siintooda si kaalintooda ay uga helaan bulshada ay la nool yihiin.

Sidoo kale, barnaamijyada idaacada u goonida ah ee dareenka bulshada wax ka bedalay waxaa ka mid ah barnaamijka “Aada shaqada iyo dugsiyada”, kaas oo soo gala subax walba xilliga ugu horeeya idaacada aroortii, waxaana lagu dhiiri geliyaa ardayda iyo shaqaalaha in ay u deg degaan goobaha waxbarashada iyo shaqada si loo helo baraarug bulsho.

Barnaamijka “cabashada dadweynaha” waa barnamij cabasho, ra’yi, talo iyo tusaale wanaagsan looga dhageysto bulshada soomaaliyeed iyaga oo soo gudbiya  hadba wixii caqabado ah oo ka jira deegaanadooda, idaacaduna ka qeyb galayaasha cabasho talo iyo tusaalaha wanaagsan ee wax saxaya oo ay soo gubiyaan hor dhigtaa madaxda dowladda ee cabshadu ay ku socoto si ay uga jawaabaan loona helo mustaqbalka dhow shacab, ciidan iyo madax tala wadaaga.

Barnaamijyada kale ee idaacadu soo kordhisay waxna ka bedelay aragtidii bulshada waxaa kamid ah “doorasho” oo ujeedkiisu yahay in bulshada la baro micnaha doorasho, cida mudan in la doorto, astaamaha wax lagu doorto, ka fekerka bixinta codka muwaadinka kahor inta aanu codkiisa bixin iyo dib u dhaca ka dhalan kara codkaaga oo aad siisato sunuud maalmo ku mood ah ama hab qabyaaladeed.

Dhinaca kale, burburkii dalka waxaa laga dhaxlay waxaa ka mid ahaa eex, musuq maasuq, nin tooxsi kadib markii garsoor cadaaladeed la waayay, hadaba Goobjoog FM oo ka duuleysa mahadhooyinkii ina soo maray iyo waxa laga dhaxlay garsoor qabyaaladeysan ayey baahisay barnaamij la yiraahdo “Xeer iyo Xukun” kaas oo looga gol leeyahay soo bandhigida dhacdooyinka ka dhaca goobaha lagu xukuntamo ku baraarujinta dadka waxa uu yahay garsoorka wanaagsan iyo ALLE agtiis waxa uu ku leeyahay qofka fuliyaa eex garsoor.

Goobjoog FM Waxay kaloo tabisaa tilmaamo fiicanna reebay mudadii ay idaacadu hawada ku jirtay barnaamijyo u hiiliya haweenka soomaaliyeed oo aan wada ognahay doorka ay kaga jiraan shacabkeena, “Dooda gabdhaha” waxa uu gaar u yahay gabdhaha kaas oo lagu awood siiyo gabdhaha iyo si ay u gartaan doorkooda bulshada iyo waxa ay qaban karaan si loo helo bulsho dhan kasta ka diyaar garowday loogana maarmo ku tiirsanaanta dad kale, dawarsi iyo gacan hoorsi shisheeye.

Barnaamijyada kale oo ay idaacadu soo biirisay waxaa ka mid ah “Daljir” oo dadka lagu baro micnaha daljir iyo kaalintiisa si loo helo askari dal jira, macalin dal jira, arday daljira ,haween daljira, madax daljira, shacab daljira iyo dhamaman dad wada daljira, Waxaa kaloo kamid ah barnaamijyada :Waaya arag, weydii guddoomiyaha, codka culimada, taariikhda culimada, farmashiyeheena, kormeer, jacayl, golaha shacabka, horseedka nabada, shaqo doon oo bulshada kuwooda shaqo raadiska ah loogu tilmaamo fursadaha shaqo ee banaan halka ay kala xiriiri karaan, dhammaan barnaamijyadaas oo idil waa kuwo u gaar ah Googjoog FM.

Waxaa kaloo intaas dheer oo ka mid ah wax qabadkii idaacada mudadii labada sano ahayd tartamo ay u qabatay qaar ka tirsan dugsiyada gobolka Banaadir marar badan, laguna bixinayay abaal marino qaaliya si ardayda iyo bahda qalinka dhammaan loogu dhiiri geliyo waxbarashada maadama tacliintu ay tahay furaha guusha mustaqbalka qof kasta.

Sidoo kale, idaacadu waxay qabatay mudadaas ay jirtay tartamo Quraanka kariimka qowlka EEBE taas oo iyana lagu bixiyay abaal marino lacageed oo aad u badan si bulshada loogu baraarujiyo barashada Quraanka kariimka qowlka EEBE oo ah wax la barto waxa ugu qiimaha badan.

Kasokow intaas, dhinaca wararka idaacadu waa mid dhinac iska dhigtay baahinta wararka xanafta leh ee kicin kara bulshada, waxayna taas bedelkeed dooratay dhiiri gelinta shaqsiga sameeyay wax qabadka muuqda, kan ku howlan hagaajinta maamul wanaaga, xaquuqul insaan, dhowra ama ilaa ilaya goobaha danta guud.

Idaacadu waxay kaloo xarumo ka furatay gobollada shabeelaha hoose, Shabeellaha dhexe, hiiraan, iyo Mudug si bulshada soomaaliyeed ay goobjoog u gaarsiiso dhambaalkaas ay xanbaarsan tahay oo ay mudada yar ku gaartay.

Dhinaca kale, qorsha dhow ee hada socda ayaa ah in idaacada la gaarsiiyo maqalkeeda soomaaliya oo idil iyo dhammaan caalamka, inkastoo hada ay Goobjoog FM ku guuleysatay in si toos ah looga dhegeysto aalada Live stream-ka ee barta internetka ay ku leedahay ee  www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com ama www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com.

Ugu dambeyn, idaacadu waxay sii wadi doontaa baraarujinta iyo barnaamijyada wacyi gelinta ah ee bulshada loogu tusaaleynayo hagaajinta iyo ka shaqeynta horumarinta dalka.

W/Q: Maxamed Salaad Cismaan { Dhega Cadde }

Goobjoog news