U bood dhigaalka

Wax-soosaarka Dalagga Beeraha Oo La Sheegay In Horumarin Lagu Sameynayo

Sheeko:Dalka

Abuurka iyo wax-soosaarka beeraha waxaa ay qeyb kayihiin waxyaabaha ugu waaweyn oo ay ku tiirsanyihiin dadka Soomaaliyeed.

Waxaa in muddo ah meesha ka baxay wax-soosaarka dalagga Beeraha iyo Suuqyadii loo iib geyn jiray kuwaas oo hoos u dhigay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray dadkuna ay ku tiirsanayeen.

Dhowaan waxaa Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlayey warbixin looga hadlayey kobcinta dhallagga waxsoo-saarka beeraha Soomaaliya, waxaana soo qaban-qaabiyey hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta Beeraha ee FAO.

Dad badan ayaa hadda isweydiinaya sida Soomaaliya ay ku horumarin karto Beeraheeda, waxaana xilligan inta badan beeraha Soomaaliya aysan ka jirin wax-soosaar dhameystiran.

Wasiirka beeraha xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid  ayaa ka hadlay sida ay xilligan ay muhii u tahay isbedla lagu sameeyo dhinaca beeraha waxaa uuna yiri “Gobolka kaliya ayaa waxaa uu soo saari karaa Soomaaliya oo dhan wax ay cuni karto lana dhoofin karo, Soomaaliya oo dhan waa dhul beereed meel aan wax lagu beeri Karin ma jirto”.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed waxaa ay qabaan in dhalagga beeraha uu wax weyn ka tari karo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Waa markii ugu horreysay oo la sheegay in horumarin lagu sameyn doono dhinaca abuurka dallagga Beeraha , waxaana weli muuqata Suuq la’aan heysto wax-soosaarka beeraha.

Goobjoog News