U bood dhigaalka

Waxaa Shaqo Bilaabay Jidka Afgooye-Muqdisho ee Qatar Maalgelisay

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta si rasmi ah loo furay waddada isku xirta Muqdisho ilaa Afgooye kadib in ka badan labo sano oo dhismo lagu waday.

Jidkan oo inta uu socday ay ka dhaceen qaraxyo badan kuna naf waayeen dad isugu jira rayid, ciidan iyo xataa injineerada iyo shaqaalaha dhisayey ayaa hadda caadi loo marayaa.
Dowladda Qatar ayaa maalgelisay mashruuca dhismaha, waxaa uuna dhismihiisa bilowday July 21, 2019-kii.

Qatar waxaa kale oo ay maalgelisay mashruuca dhismaha jidka Muqdisho ilaa Jowhar kaas oo dhismihiisa ay hadda socoto.