ARAGTI: Waxaan U Baahanahay Mucaarad Xil kas Ah

10kii Sebtembar ayey ahayd markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhamaaday waqtigii loogu dhaariyey xafiiska madaxweynenimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu dhamaaday waqtigoodii xubnaha baarlamaanka federaalka dabayaaqaqadii bishii la soo dhaafay ee Agoosto.

Waxay ahayd in ay waqtiganba dhacdo hab doorasho qof codkiis ah taas oo lagu doorto madaxweyne, taasina ma suurto gelin. Hadaba weydiintu waa maxaa sababay? Jawaabta maangalka ah ee aan cidna farta ku fiiqeyn waa in arintaasi ay ahayd mas’uuliyad wadareed dhextaaley baarlamaanka, madaxweynaha iyo wasiirka koowaad ee had walba shaqeynayey laakiin hadii ay lama huraan noqoto in cid farta lagu fiiqo waxaan marnaba farta lala gafeyn waa baarlamaanka federaalka iyo hogaankiisa kaas oo ay eeda weyni dusha ka saaran tahay.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa sugayay isbadal dhan u dhaqaajiya siyaasadda cakirantay ee dalku maanta ku jiro. Dadka isbedal doonka ah waxaa baryahan ugu cod dheeraa koox siyaasiyiin iyo musharaxiin isugu jira oo samaystay isbahaysi.

Shir jaraa’id oo ay 9kii sebtembar  ku qabteen Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii u hadlay isbahaysiga mudane Abdiwali Sheekh Axmed oo mar ahaa ra’iisal wasaarihii labaad ee Xasan sheekh Maxamuud. Hadalkiisa oo daba socday war murtiyeed isbahaysigu soo saarey waxaa kamuuqatay xilkasnimo la’aan iyo balaayo afuuf.

Wuxuu yiri  “Kursiga waad ka degaysaa, markaad kadagtana Villa Soomaaliya dadka ayey u dhaxeysaaye iyadana waad kasoo baxaysaa”  Villa Soomaaliya dadka uma dhaxayso ee waa guriga iyo xafiiska madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah qofkii markaas ah, mana aha Villa Soomaaliya xaq uu qofkasta lee yahay ee waa xaq uu lee yahay keliya qof madaxweyne ah.

Mudane Cabdiweli waxaa uu intaas sii raaciyey “ Waxaan ku leenahay haysku adkeyn meesha, dad badan oo isku adkeeyay inay dhibaato kala kulmeen waad ogtahay, dalkaaga iyo dadkaagaba dhibaato ha u keenin” Caga jugleynta intaa la’eg dalkaa dumi iyo dadkaa rogman,  siyaasad xisiloon iyo mucaarad caafimaad qabaa maka dhalan kartaa? Hadalkaase macnihiisu sow ma aha, gidaarada halooga daato? Villa Soomaaliya marbaa gidaarada looga daatay, wixii aan ka dhaxalnayna waala ogaa.

Mar labaad ayey 10kii Sebteembar shir jaraa’id qabteen waxaa ka hadlay Salaad Cali Jeele oo yiri “Hadii madaxweynuhu ku adkeysto inuu xilka sii hayo dagaal sokeeye ayay keenaysaa iyo qulqulatooyin siyaasadeed. Madaxda IGAD na ee shirka Muqdisho imaanaysa waxaan uga digaynaa iney la kulmaan madaxweyne Xasan Sheekh, waana inay la kulmaan mudane Jawaari”. Gudoomiye Jawaari sow  isaguba si sharci daro ah umuu korarsan waqtigiisa iyo kan baarlamaanka labadaba, codeyn la been abuuray oo lagu sameeyey sanaadiiq ay furayaashooda haystaan gudoonka baarlamaanka. Waxaa kale oo la sheegay in uu sanduuqu mudo iskadhex yaalay baarlamaanka. Intaa waxaa kasii fool xun, in codeynta uu Jawaari ku kordhiyey waqtiga baarlamaanka ay socotey maalmo oo mudanayaasha qaarkood looga soo saxiixay guryahooda sida ay Goobjoog u sheegeen ilo baarlamaanka ah.

Hadii mudane Salad Cali jeele yahay isbedeldoon dastuur dhawre ah, marna kuma baaqeen colaad iyo dagaal sokeeye, qax iyo barakac maato iyo caruur, dhimasho iyo dhaawacyo hor leh. Oraahyada Salaad Cali Jeele waxaa la maqli jirey xiligii dagaal oogaayaasha uu dalku maganta u ahaa, hadana tan iyo markii qabqablayaashii dagaal hal haleel looga cayriyey magaalada Muqdisho waa markii ugu horeysay ee la maqlo qof siyaasi isbedeldoon sheegtay in uu ku hadaaqo hurin colaadeed. SalaadCali Jeele waxa uu waxgaradka ka mudan yahay cambaareyn cod dheer.

Dadka isbahaysiga ku jira waxaa ka muuqda rag lagu tabayay waayeelnimo iyo wax garadnimo, ragii la is lahaa aayaha dalkay ka talin oo wanaag bay dadka Soomaaliyeed u horseedayaan, hadii ay 2016 qulqulato, qalalaaso iyo dagaal sokeeye ku baaqayaan sow ma ahan in weli ay luqada siyaasadeed tahay midii laga dhaxlay dagaalkii sokeeye.

Raga isbahaysiga ku mideysan inyar mooyee waxay isugu jiraan rag uu xilka ka eryay Madaxweynuhu ama uu xil u diidey, waxaana hadalkooda ka muuqanaysa caro iyo aargudasho la siyaasadeeyey inay ku cad goostaan.

Waxaa lagama maarmaan ah inaan xusno in waxan oo dhibaato iyo jaho wareer siyaasadeed ah aysanba dheceen hadii shaqo ku filan la gelin lahaa dhaqan gelinta nidaamka xisbiyada iyo qabsoomida habka doorasho ee qof iyo codkiisa, sidaasi daraadeed wax kastoo ka dhasha habka doorasho ee hada jira waxaa eedeeda ugu horeyn  iska leh baarlamaanka ka dibna sida loo kala sareeyo.

Abdikarim Abdi

Aragtidan waxay u gaar tahay qoraha ku saxiixan maqaalkan

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW