U bood dhigaalka

Waxagarad Ku Sugan Gobalka Hiiraan Oo Ku Kala Aragti Duwanaaday Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ku sugan gobalka Hiiraan ayaa ku kala aragti duwanaaday shirka shalay ka furmay magaalada Jowhar ee maamulka loogu sameynayo goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Nabadoon Maxamed Farax oo ah gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu shegay in shirkaan aanay waxba kala socon islamarkaana wax walba oo kasoo baxa aanay aqoonsan doonin.

“Annaga dowladda ma diidinin laakiinse shirka Jowhar ka furmay ma aqoonsanin, mana aqoonsan doonno, waxaan leenahay nagalama tashan, waxba nalooma sheegin, shirkaasina waan diidnay” ayuu yiri Nabadoonka.

Nabadoon Cabdi Cali Kooshin oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degmada Matabaan oo isna ka hadlay shirka ka furmay Jowhar ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaa shirkaasi, islamarkana ay u arkaan shir midnimo iyo walaalnimo.

“Wixii aan soo mari karno ee dhib ah waan soo marnay, waxaan shirkaasi u aragnaa inuu yahay mid nabadeed, mid maamul wanaagsan lagu soo dhisayo, waxaan leeyahay hala taageero” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Cali.

Shirka maamul u sameynta goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa maalintii shalay ahayd ka furmay magaalada Jowhar, waxaana shirkaasi ka qeybgalaya ergo badan oo ka yimid Labada gobal.

Goobjoog News