U bood dhigaalka

Waxgarad Cadaado u Tagay La Kulanka Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Ee Galmudug (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Odayaal dhaqameed kasoo jeeda degaannada Galmudug ayaa maanta waxay gaareen magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug halkaasi oo lagu ssoo dhaweeyay.

Odoyaaashan oo gaaraya 12 xubin ayaa muddo Saddex cisho ah waxay kulamo la qaadan doonaan guddiga doorashada dadban ee dhanka Galmudug si ay uga tashadaan qaabka loo soo xulayo baarlamaanka cusub qeybta ka imaanaysa goballada Galgaduud iyo Mudug.

Masuuliyiin isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha xubnahaan maanta gaaray magaalada Cadaado.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad gobaleedka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in loo diyaargaroobayo sidii loo soo xuli lahaa xildhibaannada federaalka ee ka imaanaya dhanka Galmudug.

“Odayaasha iyo Guddiga doorashada Galmudug ayaa ka wada hadli doono sida ay kusoo xuli lahaayeen xildhibaannada cusub, kadibna jadwalkii doorashada ee madasha ayey ku socdaan odayaashan imaatinkooda” ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Degaannada Dowlad gobaleedyada ayaa la filayaa in dhowaan ay ka billaabato soo xulista xildhibaannada dowladda cusub ee sanadkaan dhammaadkiisa 2016-ka waxaana soo ifbaxay durba siyaasiyiin u xusul duubaanaya sidii ay xildhibaannimo ku heli lahaayeen.

Od6 Od5 Od4 Od3 Od2 Od1

Goobjoog News