U bood dhigaalka

Waxgarad Cambaareeyay Dagaallada B/weyne

Sheeko:Dalka

Odayaal dhaqameed, waxgarad iyo siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay dagaal beeleedka ka soconaya gudaha magaalada Baladweyne.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhiigga dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan oo ku daadanaya dagaal beeleedkaasi.

Waxay sheegeen in loo baahan yahay in sidii loo kala dhexgalay maleeshiyaadkaan nabaddana loo keeno oo aanay noqon kala dhexgalkii hore misane maalmaha ku ekaa.

Nabadoo Axmed Xasan oo ka mid ah waxgaradkii kulankaan hadalka ka jeediyey ayaa sheegay in shacabka Baladweyne ay isugu darsantay colaad iyo fatahaad, islamarkaana hadda ay u baahan yihiin in arrintaasi looga gargaaro.

Dagaal u dhaxeeyay maleshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa ka dhacay xaafadda howlwadaag ee magaalada Baladweyne kaasi oo saameeyay dad badan oo shacab ah.

Goobjoog News