U bood dhigaalka

Waxgarad Dalbaday In Baladweyne Lagu Qabto Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan Iyo Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa kulan ay isugu yimaadeen magaaladaasi, waxa ay ku dalbadeen in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe lagu qabto magaaladaasi.

Odayaashaan ayaa sheegay in magaalada Baladweyne uu ka socday shir ballaaran oo dib u heshiisiin ah, islamarkaana aysan aqbali doonin in meello kale wax looga soo abaabulo.

Magaalada Muqdisho ayeey sheegeen hadii maamul looga soo dhiso, ama wax diyaarsan halkaasi laga keeno aanay marnaba ka aqbali doonin.

“Anaga talo ma diideyno, laakiinse cidda meel kale inta wax kusoo dhoob dhoobta keentana Baladweyne kama yeelli doonno, cidd rabta maamul hagaagsan ha timaado Baladweyne” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Nabadoonada ku shiray magaalada Baladweyne.

Inkastoo waxgaradka Baladweyne ay qabaan in shirka lagu dhisayo maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe lagu qabto magaaladaasi, ayaa hadana dhinaca kale waxaa jira waxgarad qaba in shirka lagu qabto magaalada Jowhar.

Goobjoog News