U bood dhigaalka

Waxgarad Dalbaday In Laba Duq-magaallo Loo Sameeyo Hargeysa

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa dalbaday in Laba Duq-magaallo loo sameeyo magaaladaasi, ka dib cabasho ay ka muujiyeen Duqa magaaladaasi ee iminka talada haya.

Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan xaafadda Macalin Haaruun ee Magaalada Hargeysa oo u waramay  Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda hoose ee Hargeysa aanay xaafadaasi waxba u qaban, islamarkaana aysan kasoo bixin ballanqaadkii la sameeyay.

Waxa ay sheegeen in dowladda hoose ay horay ugu sheegtay shacabka ku dhaqan xaafadaasi in ay kaalin ka qaataan howsha dib u dhiska wadooyinka, islamarkaana ka shacab ahaan ay agab badan keeneen, balse aan loo imaan.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayeey ugu baaqeen in uu sameeyo Laba Duq-magaallo oo Galbeedka iyo Bariga Hargeysa ah si howsho u fududaato.

“Laba Maayar hanaloo sameeyo sababtoo ah Duqa Magaalada hadda isaga xaafadihiisii buu ka badan la yahay, Bari iyo Galbeed hanaloo kala qeybiyo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkaan.

Tani ayaa imaanaysa xilli qaar ka mid ah wadooyinka xaafadaha magaalada Hargeysa ay burbursan yihiin, una baahan yihiin dib u habeen.

Goobjoog News