U bood dhigaalka

Waxgarad Isaga Baxay Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan Iyo Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in Odayala dhaqameed matalaya beello ay isaga baxeen shirka maamul u sameynta goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxgaradkani ayaa sheegay in ay dhaliilsan yihiin hanaanka ay wax uga socdaa degmada Jowhar iyo sidoo kale qaabka loo qeybsaday beelaha shirka ka qeybgalaya.

Waxay tilmaameen waxgaradkani qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay arkeen sad bursi ay sheegeen in halkaasi uu ka socdo waa sida ay hadalka u dhigeene.

Hore waxa u jiray in Shirkaas ay ugu baxeeen waxgarad lagu casuumay markii ay sheegeen in ay ku qanci waayeen sida wax loo wado.

Xubnaha Dowlada Federaalka ee ku sugan Magaalada Jowhar ayaa dadaal ugu jira sidii shirka ay ugu qancin lahayeen beelaha wali wax tabanaya ee halkaas ku sugan.

Goobjoog News