U bood dhigaalka

Waxgarad Iyo Arday Carreysan Oo Maanta Dibadbax Ka Dhigay Degmada Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar waxaa maanta ka dhacay dibadbax ay soo agaasimeen Odayaasha dhaqanka xaafadda Kulmis iyo bahda waxbarada xaafadaasi, waxaana dibadbaxani uu ka dhan ahaa maamulka xaafadda Kulmis.

Dibadbaxayaasha oo aad u badnaa ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah maamulka Xaafadda Kulmis oo ay sheegeen inay is hortaag ku sameeyeen caruur waxbaraneysay.

Waxay sheegeen dadkani in marnaba aanay rabin gudoomiyaha xaafadda Kulmis iyo sidoo kale ku xigeenkiisa oo ardaydaan kahor istaagay Laba qol oo wax lagu barayey caruurta agoonta iyo danyarta ah waa sida ay hadalka u dhigeen.

Odayaasha xaafadda Kulmis qaarkood oo la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in gudoomiye ku xigeenka xaafaddaasi uu saaka bannaanka usoo tuuray Sabuuradihii iyo gogoshii ay ku fariisanayeen ardaydaasi, waxaana ay ka dalbadeen maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Shabellaha dhexe in mas’uuliyiintaasi xilka laga qaado.

Dhinaca kale Yaxye Xasan Sheekh Cumar oo ah gudoomiyaha xaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aanu wax badan kala socon dibadbaxyada ka dhacay degmada Jowhar ee looga soo horjeedo maamulkiisa.

Waxa uu tilmaamay in wada hadal uu la sameyn doono maamulka Iskuulka dibadbaxa uu ka billowday iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka ee ku sugan xaafadaasi.

Shirka maamul u sameynta goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa saameyn weyn ku yeeshay xarumihii waxbarashada ee degamada Jowhar, waxaana qaar ka mid ah Iskuulladaasi laga raray ardaydii iyadoo la dejiyay ergada shirka Jowhar.

Goobjoog News