U bood dhigaalka

Waxgarad Iyo Siyaasiyiin Sheegay In La Marin Habaabiyey Maqaamka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Siyaasiyiin iyo waxgarad ku kulmay magaalada Muqdisho kana soo jeeda gobolkan Banaadir ayaa sheegay in magaalada Muqdisho iyo maqaamkeeda siyaasadeed la marin habaabiyey oo Muqdisho aysan helin xaqeedii siyaasadeed.

Waxgaradkan kulmay halkaasina ka hadlay waxaa kamid ah Abuukar Xuseen Ganey oo sheegay in Afar maalin oo xiriir ah ay kulankaan lahaayeen, kana tashanayeen arrinta Muqdisho.

Abuukar ayaa sheegay inay is weydiiyeen masiirka magaalada Muqdisho, waxa ay ka ogyihiin halka ay kaga jiraan howlahan socda ee la xiriira arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan is weydiinnay meesha aan kaga jirno doorashooyinkaan howlahooda socda, sida loo marin habaabiyey magaalada Muqdisho oo xuquuqdeeda loo dafiray” ayuu yiri Abuukar Xuseen.

Xubnahan kulmay ayaa dhinaca kale ugu baaqay beesha caalamka in ay soo fara geliso arrinta ku aadan masiirka magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in dad gaar ah ay dafireen xuquuqda magaalada.

Goobjoog News