U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Digey Dagaallo Ka Dhaca Deegaannada Galmudug

Sheeko:Dalka

Maalmihii ugu dambeysay waxaa soo baxayey warar sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay kala wadaan ciidamada Ahlu-sunna iyo kuwa Galmudug ka soconayaan gobolka Galgaduud, ayaa hadane waxgaradka ku dhaqan gobolkaasi waxay ka digeen dagaallo dhaca.

Nabadoon Maxamuud Carab Caalin oo ka mid ah waxgaradka Galmudug ayaa sheegay in hadda iyagu aanay u muuqan xiisad ka dhaxeysa Labada dhinac balse ay jiraan rag uu sheegay in ay colaaddaasi hurinayaan.

Madasha loogu magac daray Badbaadinta Galmudug ayuu ku eedeeyay in ay iyadu xiisad colaadeed ka dhex abuurayaan Galmudug iyo Ahlu-sunna waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ahlu-sunna ma weerari karto Cadaado waayo waxaan ognahay inay yihiin dad aan dulmiga jeclayn, Galmudugna sidoo kale iyana weerar kuma ahan Ahlu-sunna, balse waxaan waxaa wada rag siyaasadda ku fashilmay oo la baxay madasha badbaadinta Galmudug oo dano kale ayaa dadka ku abuuraya cabsi, iyagana doonaya inay isku diraan Labada dhinac” ayuu yiri Nabadoonka.

Ugu Dambeyn Nabadoonka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Cadaado in aysan qalqalin, islamarkaana u dhabar adeegaan oo kaliya soo dhaweynta madaxdooda iyo marti gelinta Galmudug oo halkaasi xarun KMG ah u ah.

Goobjoog News