U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Baaqay In Dib u Eegis Lagu Sameeyo Odoyaasha Soo Xulaya Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in dib u eegis ku sameyso Odayaasha dhaqanka ee la doonayo inay soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka soo socda.

Nabadoon Kamaal C/laahi oo ka mid ah waxgaradkan oo Goobjoog News lasoo xiriiray ayaa sheegay in isaga iyo waxgarad kale ay aad u dhaliilsan yihiin magacyada qaar ee lagu dhex arkay Liiska odayaasha soo xulaya baarlamaanka.

Waxa uu tilmaamay in la sameeyay is daba marin, islamarkaana Ugaasyadii caanka ahaa qaarkood iyaga oo nool magacyadoodii dad kale lagu bedalay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxgaradkii waa la musqay, waxaa la sameeyay Ugaasyo caan ah baa magacyadoodii rag kale oo meel ay ka yimaadeen la ogeyn lagu bedalay, madashii ku shirtay Kismaayo waxaan ugu baaqayaa in arrintaan dib u eegis lagu sameeyo” ayuu yiri Nabadoon Kamaal.

Dhawaan waxaa shirkii madasha ee ka dhacay magaalada Baydhabo laga soo saaray liiska magacyada Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xuli doono baarlamaanka la filayo inuu bedalo kan hadda soo socda.

Goobjoog News