U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Baaqay Joojinta Xiisadda Tukarraq

Sheeko:Dalka

Waxgaradka kasoo jeeda deegaanna Somaliland ayaa ku baaqay in si degdeg ah lagu joojiyo xiisadda colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukarraq, taasi oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Boqor Buurmado oo ka mid ah waxgaradka Somaliland ayaa sheegay in ka waxgarad ahaan ay ka xun yihiin waxyaabaha ka jira deegaankaasi.

Waxa uu tilmaamay in ay wanaagsan tahay in la qaato nabadda, islamarkaana dadka Labada dhinac aan loo horseedin colaad hor leh iyo barakac.

“Waxaan ugu baaqayaa Somaliland iyo Puntland in ay nabadda qaataan oo ay joojiyaan wax walbo oo ku saabsan colaadda Tukarraq, dadkii waa ay barakaceen, dhibaato ayaa jirta, aan u naxno shacabka aan waxbo galabsan ee Labada dhinac” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Puntland iyo Somaliland ayaa ku dagaallamay deegaanka Tukarraq oo markii hore maamulayey maamulka Puntland, balse weerar ay hoorraantii sanadkaan kusoo qaadeen deegaankaasi ay ku qabsadeen ciidamada Somaliland.

Goobjoog News