U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Guuleystay Qaboojinta Xiisad Beeleed Ka Jirtay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Waxgaradka kasoo jeeda deegaannada Xeraalle iyo Xananbuure ee gobolka Galgaduud ayaa maalmahan dambe waday dadaallo ay ku doonayaan sidii looga hortagi lahaa muran ka dhashay lahaanshiyaha dhul la doonayey in laga qodo barkadaha biyaha laga isticmaallo waxaana arrinkani sababay in dadka reer guuraaga ee ku dhaqan Tuulooyin hoostaga deegaannadaasi ay billaabeen abaabullo ciidan oo laga cabsi qabo in dhibaato isku geystaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xal ka gaarista xiisadahan ka taagan deegaannadaasi ay kaalin ka qaateen maamulka Galmudug inkastoo maamulka deegaanka Xeraalle uu arrinkaasi beeniyey.

Axmed Cabdullaahi waa guddoomiyaha deegaanka Xeraale waxa uu Goobjoog News u sheegay in deegaankaasi ay ka arrimiyaan Ahlu-sunna Waljameeca, waxaana uu soo hadal qaaday in maamulka Galmudug ka qeybqaadan xallinta khilaafka u dhaxeeya dadka reer guuraaga ah.

“Degmada Xeraalle Ahl-sunna ayaa ka shaqeysay, ciidankeeda ayaa jooga, waxaa arrintaan wax ka qabtay maamulka Dhuusamareeb iyo Odayaal dhaqameed, dadaalkaasina annaga ayaa bixinnay” ayuu yuri gudoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in la kala qaaday ciidankii isku horfadhiyey Xeraalle iyo Xananbuur, haatanna ay socdaan wada hadallo ballaaran oo nabadda lagu baadi goobayo.

“Ciidankii waan kala qaadnay, niman culimo ah oo nabadda jecel ayaa jooga, waxaana hadda socda wada hadallada, sidaas ayaana la’isku afgartay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagbayeeyay Guddoomiyaha deegaanka Xeraale ee Galgaduud.

Deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dagaallo qaab beeleed u abaabulan, inkastoo dagaalladaasi badi ka billowdaan is qabqabsi dhanka dhulalka ah.

Goobjoog News