U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Howlan Xalinta Dagaal Beeleed Ka Dhacay Sool

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobalka Sool ayaa billaabay xalinta dagaal beeleed dhawaan ka dhacay gobalkaasi, kaasi oo u dhaxeeyay beello walaalo ah oo halkaasi wada deggan.

Nabadoon Axmed Muxumad oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa sheegay in ay is abaabuleen Odayaal dhaqameed aad u badan, islamarkaana ay ku baxeen deegaanka Qorilley oo dhawaan lagu dagaallamay.

“Annaga ka waxaan ku baxnay colaadda ka jirta Howtka, waayo dadka is dilaaya waa dadka yagi, waxaan u baahannahay in nabadda loo istaago, loona fariisto wada hadal” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhinaca kale Nabadoon Axmed ayaa sheegay in ay dhexda u xiran doonaan sidii gabi ahaanba lagu soo afjari lahaa xiisadda colaadeed ee jirta, islamarkaana ay ku haminayaan in nabadda la wada qaato.

Deegaanka Qorilley ee gobalka Sool, waxaa dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay beello walaalo ah oo halkaasi wada deggan, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News