U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Howlan Xalinta Xiisad Ka Taagan Sool

Sheeko:Dalka

Wafdi ballaaran oo isugu jira wasiiro, xildhibaano ka mid ah Somaliland, Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ayaa dhawaan gaaray deegaan ka mid ah gobalka Sool, si loo xaliyo shaqaaqo halkaasi dhawaan ka dhacday.

Xubnahaan halkaasi tagay ayaa kulamo kula qaatay degaanka Gumeys dadka ay kasoo jeedaan Labo shaqsi oo la sheegay in dhibaato ay geysteen, si loo dhameeyo xiisadda halkaasi ka taagan.

Xubnahaan ayaa socodkoodaan ku sheegay in ay tahay sidii gobalka Sool Nabad looga heli lahaa, islamarkaana isku dhacyada halkaasi ka dhacay aanay usii noqon kuwo sii socda.

“Waxaan u soconnaa sidii aan nabad ku keeni lahayn, waxaan rabnaa in deegaankaan uu nabad noqdo, hadii la dagaallamo faa’ido gaar ah malahan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka waan waanta wada.

Dhawaan ayaa shaqaaqo ka dhacday deegaanka Gumeys ee gobalka Sool, waxaana taasi ay keentay in amniga deegaanka uu qalqal ku beermo, iyadoo shacabka ay ka cabsadeen in la dagaallamo.

Goobjoog News