U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Kala Aragti Duwanaaday In Caasimadda Maamulka Laga Dhigo Jowhar

Sheeko:Dalka

Waxgarad ka soo jeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ku wada sugan madasha shirka maamul u sameynta ayaa ku kala aragti duwanaaday isbedalka lagu sameeyay caasimaddii maamulkaasi oo horay madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sheegay in Buuloburde ay tahay.

Nabadoon Cabdi Maxamed Xaaji oo kamid ah waxgaradka u codeeyay in caasimadda laga dhigo magaalada Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog News in odayaasha ay ku doodeen in hadalkii madaxweynaha uusan ahayn waxyi soo degay.

“Waxaa la iska dhigay koox koox oo u qeybsan shan qeyb oo isku dhaf ah kadibna qolo kasta ayaa loo tagay oo la weydiiyay xaggee ka dhignaa caasimadda, waxaa yaraatay intii tiri Buuloburde, waxaana batay ergada u codeysay Jowhar” ayuu yiri nabadoonka.

Wuxuu sheegay in ay jireen doodo ka horreeyay intii ergada aysan anisixin caasimadda in laga dhigo magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in ergada weli shirka ka maqan ay u maqan yihiin howlo kale.

Dhanka kale, Caaqil Muumin Cabdiraxmaan Siidow oo kamid ah isna waxgaradka gobolladaasi oo Goobjoog News in wareegto uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh soo saaray lagu shaaciyay halka caasimad noqonayso oo ah Buuloburde haddana loo baahan yahay in wareegto looga noqdo.

Wuxuu sheegay in ay jirtay codeyn loo qaaday hase yeeshee aysan codeyntaasi heysan wax sharciyad ah islamarkaana aan loo dhameyn oo dadka qaar ay codeeyeen.

“Caasimad wareegto Madaxweyne ayay ku soo baxday iyada ayaana looga laabanayaa laakiin waxa dadkan sheegayaan ma ahan wax xaqiiqo ah oo sharciyad heysta” ayuu yiri Caqiil Muumin Cabdiraxmaan.

Caaqil Cabdiraxmaan Siidow ayaa ka digay in arrintaan ay dadka iska horkeeni karto dadka deggan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe islamarkaana wixii dhibaato ah oo ka yimaada ay qaadanayso beesha caalamka iyo IGAD.

Ergada ku sugan goobta shirka ku sugan ayaa maalmahan lahaa doodo kooban oo looga hadlayay caasimadda, dastuurka iyo calanka maamulka uu yeelanayo oo hadda isna astaantiina loo codeyn doono waqti aan fogeyn.

Goobjoog News