U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Kulmay Magaalada Muqdisho Oo Ku Baaqay In Dowladda Looga Dambeeyo Maqaamka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay maqaamka magaalada Muqdisho oo maalmahan dambe hadallo badan ay ka imaanayeen.

Waxgaradkan ayaa ku taliyey in dowladda Federaalka Soomaaliya looga dambeeyo maqaamka magaalada Muqdisho iyo halka uu ku dambeyn doono.

Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo kamid ah waxgarakii ka qeybgalay kulankaasi ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay caasimadda dalka, islamarkaana wixii maqaamkeeda ah ee ku saabsan magaalada loo daayo dowladda Soomaaliya.

“Magaalada Muqdisho waa caasimaddii, waa la kala saarayaa, waxaana maamulkeeda iyo wixii iyada quseeya mas’uul ka ah dowladda Federaalka, annagu waxaan u sheeganeynaa in gobolka Banaadir yahay deegaanka yagii, sidaa daraadeed waa in dadku aysan ku qaldamin waxa ay ka hadlayaan waxgaradka” ayuu yiri Ugaaska.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan dambe ka soconayey kulamo inta badan looga hadlayey maqaamka Muqdisho kuwaasi oo ay lahaayeen qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed.

Goobjoog News