U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Kulmay Magaalada Muqdisho Oo Taageeray Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Waxgarad Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa taageeray shirka la filayo inuu ka furmo magaalada Jowhar ee maamul u sameynta gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxay waxgaradkani ay sheegeen in muhiim ay tahay dedejinta dhismaha maamulkaan cusub si shacabka Labada gobol ay kaalin uga qaataan horumarada dalka ka soconaya iyo arrimaha hiigsiga 2016.

Kulankooda kadib ayaa war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen waxaa saxaafadda u akhriyay Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah xubnihii shiray.

“Shirkaan waxaan ku taageernay shirka Jowhar, waxaana soo jeedineynaa in midnimada ay tahay muqaddis, waxaan si buuxda u taageersannahay in la dhiso maamulkaan loo dhisayo Shabellaha dhexe iyo Jowhar”

Wejiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Jowhar ayaa la filayaa in uu ka furmo magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo dib uga dhacay in la furo Sabtidii shalay.

Goobjoog News