U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Shiray Jowhar Oo Dhaliilay Ururka IGAD

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Gobolka Shabellaha Dhexe qaarkood oo ku shiray magaalada Jowhar ayaa sheegay in IGAD ay farogelin ku hayso shirka maamulka loogu sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Waxay sheegeen in dulqaadkii uu ka dhammaaday ka waxgarad ahaan, islamarkaana IGAD ay dooneyso iney kala geyso shacabkaa Labada gobol waa sida ay hadalka u dhigeene.

Qaar ka mid ah waxgaradkan ayaa soo jeediyey in lagu fashilmay dhismaha maamulkan sidaa darteedna laga gudbo oo la dhiso marka ay timaado dowladda cusub ee bedali doonta midda hadda jirta.

“Waxaan si cad uga soo horjeesannay mowqifka ay wadato IGAD, waxaan soo jeedineynaa maadaama aan nahay gogoshii maamul u sameynta maamulkaan Labada gobol, waxaan leenahay Afeey waad fashilantay ee faraha kala bax howsheena” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka oo kulankaaasi ka hadlay.

“Waxaan u sheegeynaa IGAD, shirarka Xamar ay ka waddo haka waantowdo, meeshii gogoshii taallay dadka joogay waa annaga, saacadaan kadib waan diidnay luggooyo, haddii kama dambeys wax ku qabsoomi waayaan Khamiis guryaheena ayaan kala aadeynaa, kan wuu fashilmay marka ay dowlad kale timaado ayaan dhisaneynaa maamulkeena” sidaasi waxaa yiri nabadoon aan magaciisa sheegin balse shirkaasi ka qeybgalay.

Hadalkaan kasoo yeeray waxgaradkan ayaa imaanaya xilli dowladda Federaaka iyo IGAD horay u sheegeen in shirka Jowhar uu dib u furmi doono 3-da bishan balse aanay taasi dhicin.

Goobjoog News