U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Sugan Degmada Dharkeenley Oo Sheegay In Si Qasab Ah Guryahooda Looga Burburiyay

Sheeko:Dalka

Odayaal iyo waxgarad lasoo xiriiray Idaacadda Goobjoog kuna sugan degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaato ay ku qabaan salkicin dhuleed oo ka taagan degmadaasi.

Qaar ka mid ah Odayaashan ayaa sheegay in dhibaatada ugu daran ay hadda ku qabaan maamulka degmada Dharkeenley oo ay tilmaameen in burburin ku sameeyay guryo sharci ku dhisnaa.

Waxay sheegeen in xilligaan ay muhiim tahay in gudoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ay wax ka qabtaan arrintani oo ay sheegeen in saameyn ay ku yeelatay dadka danta yar ee ku dhaqan degmadaasi.

“Waxaan ka cabaneynaa maamulka degmada Dharkeenley oo shacabka ka jajabiyay guryahii oo illaa Maxamed Siyaad Barre deganaa dhulkooda, warqado bug ah ayaa lasoo sameystay waxaa la dhacayaa dhulkeena, sharciga ayaa naloo sheeganayaa, buushkii ay dadkaasi ku noolaan lahaayeen xitaa waa laga jajabiyay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Odayaasha cabashada ah.

Maamulka gobalka Banaadir, gaar ahaan gudoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ayeey ugu baaqeen in arrintaan uu soo fara geliyo.

Dhinaca kale waxa aynu isku daynay inaan xiriir la sameyno maamulka degmada Dharkeenley si aynu wax badan uga ogaanno cabashada ay qabaan dadkaan shacabka ah, hase ahaatee inooma suurta gelin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga sartay dhismayaal dowladeed dad shacab ah, kuna yaallay magaalada Muqdisho, waana kuwo illaa hadda aan lagu sameyn dib u dhis, iskaba daa inay dowladdu ku shaqeyso.

Goobjoog News