U bood dhigaalka

Waxgarad Kulan Ku yeeshay Muqdisho Oo Ku Baaqay In Si Deg Deg Ah Loo Sii Daayo Cabdimanaan Yuusuf Maxamed Oo Ah Agaasimaha Guud Ee Astaan TV

Sheeko:Amniga

Waxgarad kulan  ku yeeshay Muqdisho ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo ah agaasimaha guud ee Astaan TV.

Odayaasha ayaa sheegay in Cabdimanaan uu yahay ganacsade ,xaqna uu u leeyahay in howlihiisa ku baahiyo meel kasta oo dalka ah.

Waxa ay sheegeen in ay helaan war ku saabsan in qaab salka ku haya qabiil lagu xiray agaasimaha Astaan TV isla markaana ay soo abaabuleen ganacsato ka mid ah kuwa Somaliland.

“Ma jirto dambi ay tuhmayaan oo uu galay Cabdimanaan Yuusuf waxana rabnaa in la sii daayo muwaadinka mudada ku xiran magaalada Hargeysa ee Somaliland”ayay ku sheegeen kulankooda oo ka dhacay Muqdisho.

Halkan Ka Daawo Odayaasha Dhaqanka Oo La Hadlay Warbaahinta

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/302413944440366/

Goobjoog News