U bood dhigaalka

Waxgarad Sheegay In Boob Dhuleed Laga Wado Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka digey in ganacsato lagu wareejiyo dhul dhawaan la sheegay in laga kiciyey dad shacab ah oo deganaa.

Waxay sheegeen in dhulkaan laga iibiyey ganacsato, islamarkaana taasi ay u arkaan boob dhuleed ka socda magaaladaasi.

“Waxaan ka xunnahay in shacabka oo masaakiinta u badan laga barakiciyo, isuguna jira agoon iyo dad aan waxbo haysan, waxaan leenahay ganacsatada ka leexda dhulalkaaan aad iibsaneysaan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkii hadlay.

Sheekh Asad Muuse Geelle oo isna ka mid ah waxgaradkii ku shiray waqooyiga Gaalkacyo ayaa iyana dhankooda sheegay in hadda waxa ay arkaan tahay dulmi aad u weyn, islamarkaana Masjid weyn oo ku yaallay halka loo yaqaanno Xaero Dayax lagu daray dhulka la boobay.

“Waxaa wax lala yaabo tahay in naloo yimid oo la yiri masjidka dhulkiisa ayaan rabnaa inaan dad siinno, islamarkaana wixii hore aanu sharci ahayn, waxaan isku daynay inaaan la hadalno guddiga arrimahan u xilsaaran Puntland, laakiinse waxay inoo sheegeen in aysan wax hadal ah dooneyn” ayuu yiri Sheekh Asad.

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland kama aanu hadal cabashada ay muujinayaan waxgaradkaan iyo culimada.

Goobjoog News