U bood dhigaalka

Waxgarad Sheegay In Dhawaan Lagu Dhawaaqi Doono Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ku sugan magaalada Baydhaba ee gobalka Baay ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin muddo gaaban inay kusoo bandhigaan xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Malaaqa ayaa sheegay in haweenka ay xildhibaannada ku yeelan doonaan illaa 20 xubnood tirada guudna ay tahay 95 xildhibaan.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in loo baahan yahay in baarlamaanka lagu qanciyo dhammaan beelaha goballada Seddexda ah dega, isagoo soo hadal qaaday cabashada ka jirta deegaanno ka mid ah Bakool.

Wuxuu timaamay in cabashadaasi ay tahay been abuur oo arrin kale oo siyaasadeed ay ka dambeyso hase yeeshee buuq la’aan ay ku soo xulayaan baarlamaanka Koonfur Galbeed.

“Maalmaha soo aadan ayaa Odayaasha waxay soo bandhigi doonaan xildhibaanada ay soo xuleen, waxaana rajeynaynaa in dhawaan ay soo dhamaato howsha dhismaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaan maqlayay dad leh Bakool ayaan degnaa oo cabasho ka ah xildhibaanada aan soo wadno, laakiinse midaasi waxaan leeyahay waa been abuur siyaasadeed oo qorshe kale laga leeyahay” ayuu yiri Malaaqa.

Maalmihii ugu dambeysay waxaa soconaya soo xulista xildhibaanada baarlamaanka uu yeelan doono maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Goobjoog News