U bood dhigaalka

Waxgarad Sheegay In Faraha Uu Ka Baxay Amniga Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Waxgarad iyo siyaasiyiin ku shiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka hadlay amniga guud ee magaaladaasi iyo sida lagu sugi karo.

Qaar kamid ah waxgaradkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in faraha uu ka baxay amniga Boosaaso, islamarkaana maamulka madaxweyne Gaas uu dayacay amniga guud ee magaaladaasi.

Waxay sheegeen in magaalada ay mareyso heer la dilo mas’uuliyiin sar sare, waliba aan wax laga qaban dadkii wax diley oo maalin cad magaalada isaga baxsadaan waa sidey hadalka u dhigeene.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas iyo ku xigeenkiisa ayeey ugu baaqeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta kulmay in isbedal degdeg oo dhanka amniga ah loogu sameeyo magaalada Boosaaso.

“Annaga uma dulqaadan karno intaan kadib amniga Boosaaso oo faraha kasii baxa, magaaladu waa ay dayacan tahay, waxaana dayacay madaxda Puntland, waxaan codsaneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan amniga magaalada wax looga qabto, islamarkaana loo istaago sidii dadka dhibka wada loo soo qaban lahaa” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah waxgaradkii ku kulmay Boosaaso.

Bishan December 2016, magaalada Boosaaso waxaa lagu diley Saddex mas’uul oo xilal muhiim ah ka hayey maamulka Puntland, iyadoo weli maamulkaasi sheego iney wadaan baaritaanka dadkii ka dambeeyey dilalkaasi.

Goobjoog News