U bood dhigaalka

Waxgarad Sheegay In Seddax Degmo Oo Ka Mid Ah Bakool Aysan Ka Tirsaneyn Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan waxa ay gobalka Bakool kulan kula yeesheen qaar ka mid ah Odayaasha dhaqan gobalkaasi, kuwaa oo dalbaday in Seddax degmo oo kala ah Yeed, Caato iyo Ceelbarde lagu daro maamulka loo dhisayo Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in Waxgaradkaan ay kasoo qaadeen warqad ay ku cadeenayaan in aysan ka mid ahayn maamulka Koonfur Galbeed, una gudbin doonaan wasaaradda arimaha gudaha.

Intii maamul kale looga darayo ayuu sheegay in ay dalbadeen inay hoostagaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dastuurka ayaa ogol maadaama waxa awood weybsi tahay in deegaanada aan raacsaneyn maamul hoostagi karaan dowladda dhexe, warqadaanna warbaahinta ayeey gashay ka laabashana malahan” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dadka deggan Seddaxdaasi degmo ay xuquuqdii ay lahaayeen ka waayeen maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana diiday wada hadal in uu la galo dadka deegaanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Horay waxaa soo ifbaxayay casbasho ay qabaan qaar ka mid ah waxgaradka deggan degmooyinka Yeed, Caato iyo Berdaalle, taasi oo ah in saamigii ay ku lahaayeen maamulka Koonfur Galbeed aysan helin.

Goobjoog News