U bood dhigaalka

Waxgarad Sheegay In Shirka Jowhar Uu Si Rasmi Ah u Furmi Doono Maalinta Berri Ah

Sheeko:Dalka

Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ah suldaanka duubabka dhaqanka gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu kaga hadlay qabanqaabada shirka maamul u sameynta ee magaalada Jowhar ka socota.

Wuxuu sheegay suldaanku in magaalada looga diyaargaroobayo maalinta burrito ah inuu furmo shirka islamarkaana Jowhar 24-kii saac ee la soo dhaafay ay gaareen wufuud kala duwan oo qeyb ka ah shirka.

“Rajo xumo ma jirto, shirka waa soconayaa sida dowladda ay inoogu sheegtay talefoonka berrito ayuu furmayaa shirka maamul u sameynta, ka odayaal ahaan dhaqanka oo dhan wuxuu diyaar u yahay inay wax dhismaan” ayuu yiri suldaanka.

Suldaan Axmed Rashiid ayaa sheegay in shirka uu soo jiitamayay bilo taasna ay ka dambeysay beelaha wada deggan labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in shirka bishaan si toos ah uu uga furmi doono magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe iyadoo weli ay jiraan ugaasyada qaar oo wax ka tabanaya qaabka shirka loo abaabulayo.

Ugu dambeyntii, qaar kamid ah Ugaasyada reer Hiiraan oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa dhowaan ka digay in shirka uu furmo islamarkaana wixii dhibaatada ah oo ka yimaada ay dowladdu qaadanayso.

Goobjoog News