U bood dhigaalka

Waxgarad Sheegay Iney Wadahadalsiinayaan Dowladda Federaalka Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka gobollada waqooyi ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in lagu wada hadal siiyo dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Boqor Maxamed Jaamac ayaa sheegay in burburka dalka ku dhacay uu sabab u yahay in dowlad kasta ay soo haweysato dalka iyadoo ka fushanaysa qorshaheeda.

Wuxuu tilmaamay in ay ka waxgarad ahaan wadaan dadaallo ay ku wadahadalsiinayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Somaliland si loo gaaro midnimo buuxda.

Arrintani ayuu sheegay in meesha ay ka saari karto in dowladaha shisheeye ay wixii ay doonaan ka sameystaan dalka.

“Annagu ka waxgarad ahaan waxaynu ku dedaaleynaa in aan isku keenno Soomaali, burbukii kadib dalka cid walba ayaa soo haweysatay, dowlad walba wixii ay doonto ayeey ka sameysaa, marka muhiimaddu waa in loo midoobaa cadowga’ ayuu yiri Boqor Jaamac.

Hadalka Boqor Maxamed Jaamac ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in muhiimad ay siin doonaan wadahadallada ay kula jiraan Somaliland.

Somaliland ayaa sheegta in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayna raadinaan madax banaani.

Goobjoog News