U bood dhigaalka

Waxgarad Soomaaliyeed Oo Kulan Ku Yeeshay Finland Ayaa Baaq u Diray Dowladda Itoobiya

Sheeko:Dalka

Waxgarad Soomaaliyeed ayaa shir ballaaran waxa ay ku yeesheen wadanka Finland, kaasi oo ay uga hadleen dhibaatooyin ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay ka geysanayaa qaar ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay sii kordhiyeen dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay sidoo kale tilmaameen in maalmihii ugu dambeeyay ay cadaadis ku hayeen shacabka ku dhaqan degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Kulanka ka dib ayaa saxaafadda waxaa la hadlay Injineer Idiris Sheekh Xasan Faarax, waxaana uu sheegay in uljeedka kulankooda uu ahaa si mar kale aanay Itoobiya dhibaato ugu geysan shacabka ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan isugu imaannay sidii aan uga dhiidhin lahayn dhibaatada ay ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka ku nool Koonfrta iyo bartamaha goballo ka mid ah, waxaan u dirnay fariin baaq la socota, waa in dadka dhibaateyn, ilaaliyaanna derisnimada”

Ugu dambeyn ayuu Idiris dowladda Federaalka ugu baaqay in ay la xisaabtanto dowladda Itoobiya, maadaama ay iyadu shacabka mas’uul ka tahay.

Goobjoog News