U bood dhigaalka

Waxgarad Taageeray In Gobolka Hiiraan Loo Dhiso Maamul Goboleed Gaar Ah

Sheeko:Dalka

Odayaal iyo waxgarad kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa taageeray in gobolka Hiiraan loo sameeyo maamul goboleed u gaar ah, kaasi oo dhowaan la sheegay in maamulkaasi la sameyn doono.

Waxa ay sheegeen waxgaradkan in waxa ka socda magaalada Jowhar ee xarunta Gobolkaa Shabellaha Dhexe tahay mid aan loo dhameyn sidaa darteed ay taageersan yihiin in Sh/dhexe laga maarmo oo Hiiraan kaligeed maamul loo sameeyo.

“Hiiraan Gobol, Sh/dhexena waa gobol, cid na isku keen qasbi karto ma jirto, waxaan sheegeynaa in dowladdaan waqtigeeda dhammaaday in annaga ay xoog nagu maquuniso, waxaan caalamka u sheegeynaa in waxa socda aanaey ahayn wax aan innagu raali ka nahay” sidaasi waxaa yiri Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale.

Waxgaradka ayaa sheegay in ka Hiiraan ahaan ay dib isugu laabanayaan wada hadallo dhexdooda ah, islamarkaana ay ku dhowaaqi doonaan maamul cusub oo gobolkaasi u gaar ah.

Magaalada Jowhar waxaa ka socda maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, hase yeeshee qaar ka mid ah Beelaha Hiiraan ayaa sheegaya in iyagu aaney ku jirin dhismaha maamulkaasi.

Goobjoog News