U bood dhigaalka

Waxgarad Taageeray Mooshinka Ka Dhanka Ah Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah waxgaradka gobalka Gedo ayaa sheegay in ay taageersan yihiin mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka maamulka Jubbaland, ee dhawaan la keenay.

Nabadoon Cadow Siraad oo kamid ah waxgaradkaan ayaa u sheegay Goobjoog News in ay la dhacsan yihiin mooshinkani iyo qaabka loo keenay.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in xildhibaanada baarlamaanka ay hadda si aad ah u garteen shaqadooda, islamarkaana ay ogaadeen sida ay muhiim u tahay in shacabka laga qabto dhibaato walba oo kusoo wajahan.

“Wixii umadda dhibaatada ku haya hadii ay garteen waa in ay u wajahaan sidii ay u arkeen, anagane ka waxgarad ahaan waan soo dhaweyneynaa, waxaan leenahay Mooshinkaan ha joojinina illaa inta si cadaalad ah wax loogu qeybin doono beelaha degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo” ayuu yiri Nabadoonka.

Baarlamaanka maamulka Jubbaland waxaa ka taagan khilaaf xoogan, iyadoo dhinaca kale baarlamaanka Soomaaliya uu yaallo mooshin ka dhan ah baarlamaankaasi.

Goobjoog News