U bood dhigaalka

Waxgarad Taageeray Shirka Ka Socdo Cadaado Ee Maamulka Loogu Sameynayo Gobalada Mudug Iyo Galgaduud.

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Beelaha wada daga Gobolada  iyo Mudug oo kulan ku yeeshay dagmada Cadaado ayaa soo dhaweeyay Shirka lagu dhisayo maamulka Gobolada dhexe oo mudo dhowr cisho ah ka soconaya halkaasi.

Qaar ka mid ah Odayaasha kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin nidaamka uu shirku uga socdo dagmada Cadaado inkastoo ay sheegeen in la xaliyay dhaliilo ay horay uga qabeen ajandeyaasha shirka.

Odayaashan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkan oo ay rajo wanaagsan ka qabaan inuu miro dhal u noqdo shacabka wada Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxaana ay ka digeen in Xildhibaanadii dhawaan tagay Cadaado ay ka shaqeeyaan danaha shaqsiyaad gaar ah oo ka mid ah Musharaxyada u taagan Madaxweynenimada maamulka Gobolada dhexe.

Waxaa dhawaan lasoo xuli doonaa Xildhibaanada baarlamaanka maamulkaan uu yeelanayo, sidoo kalena waxaa la filayaa in Odayaasha dhaqanka ay isku raacaan magaca iyo calanka maamulkaasi yeelanayo.

 Goobjoog News