U bood dhigaalka

Waxgarad u Digay Dowladda Kenya

Sheeko:Dalka

Wixii ka dmabeeyay burburkii dalka, waxaa jiray dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo u qaxay dalal Kenya ay ka mid tahay.

Kenya waxaa ku taalla xerada qaxooti ee aduunka ugu weyn, waxaana ku nool Soomaali aad u badan, inkastoo xaaladda dadkaasi ay hadda adag tahay.

Mararka ay dhibaato ka dhacdo dalka Kenya waxaa dhibaato la kulma dadkaasi qaxootiga ah, iyadoo dhawaan madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya uu sheegay in Soomaalida xoog kusoo rari doonaan, ka dib weerarkii Jaamacadda Gaarisa.

Nabadoo Dacar Xirsi Nuur oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadallada isdaba jooga ah ee kasoo yeera dowladda Kenya, waxaana uu sheegay in midaasi ay muujinayso cadowtinmo gaar ah oo Soomaalida ay u qabaan.

“Kenya anaga deris waan nahay, Soomaaliya dersinimo uma taqaanno, waxaan u aragnaa in ay nagu abuureyso cadowtino gaar ah, waxaan uga digeynaa dhibaatada ay nagu hayso in ay ka fiirsato, wax walbo taariikhda ayaa xusi doonto, Kenya Soomaaliya cadownimo gaar ah ayeey ku haysaa, hadana AMISOM ayaan ka mid ahay bay leedahay” ayuu yiri Nabadoon Dacar.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa si kulul u dhaliilay xayiraadda Xawaalada Soomaalida qaarkood ay Kenya kusoo rogtay, waxaana uu tilmaamay in wax walbo Kenya sameyso maalin aan maanta ahayn lagula xisaabtami doono.

Dhinaca kale Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan u gurmashada shacabka Soomalaiyeed ee ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya.

Goobjoog News