U bood dhigaalka

Waxgaradka Baardheere Oo Ka Hadlay Duqeyn Ciidamada Kenya Ka Geysteen Duleedka Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Odoyaasha iyo waxgaradka degmada Baardheere ayaa si kulul waxay uga hadleen Duqeyn ay shalay galab Ciidamada Kenya ee Qeybta ka ah AMISOM kuna sugan Magaalada Bardheere ay ka geysteen nawaaxiga Tuulada Daar, gaar ahaan halka lagu magacaabo Biyo Guuleed oo Baardheere u jirta ilaa 33km, iyadoo duqeyntaasi ku dhintay Nin xoolol dhaqto ah oo lagu magacaabo Cabdi Aden Xaaji Cumar oo 19 jir ah.

Meydka marxuumkaasi iyo gantaaladii ay ku dileen Ciidamada Kenya ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigey Isbitaalka degmada Bardheere, iyadoo Goobtaasina ay ku sugnaayeen Ehalada Marxuumka, Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka iyo Saraakiil ka kala tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Baardheere.

Cabdulaahi maxamed Qase oo ah Adeerka Marxuumka Geeriyooday oo la hadlay Goobjoog News ayaa Ciidamada Kenya waxa uu ku eedeeyey Duqeymaha deegaanada ay ku sugan yahiin dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, isagoona sidoo kale Ciidamada Kenya ku eedeyey in had iyo jeer duqeymaha ay la eegtaan Goobaha dadka reer miyiga ah ay ku nool yahiin.

Ugu dambeyun ayuu ugu baaqay Dowladda Kenya in ay joojiso duqeymaha ay ka fulinayso goobaha ay ku nool yahiin dadka shacabka ah, islamarkaana ay magdhow ka bixiso dad fara badan oo ay horay ugu dishay deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo.