U bood dhigaalka

Waxgaradka Beello Ku Dagaallamay Baladweyne Oo Heshiis Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka iyo maamulka magaalada Baladweyne ayaa ku guuleystay in heshiis ay kala dhex dhigaan Laba Beel oo dhawaan ku dagaalantay magaaladaasi.

Waxgarad kala matalayay Beelahani ayaa magaalada Baladweyne ku kala saxiixday heshiis dhowr qodob ka kooban, kaasi oo la sheegay in lagu soo afjaray colaaddii jirtay.

10 xubnood oo beeshiiba 5 qof laga keenay ayaa heshiiskaasi saxiixay, waxaana madasha heshiiska lagu saxiixayay Goobjoog ka ahaa duqa magaalada B/weyne Cumar Baadiyo, Ugaasyo, Culimo iyo Waxgarad kale.

Qodobada Lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa, in ciddii heshiiskaasi jebisa lagu ganaaxo lacag dhan 10 Kun oo doolar, sidoo kalena Xaafadda Howlwadaag oo ahayd halka lagu dagaallamay dib loo furo xarumihii ganacsiga iyo isku socodka Bulshada.

Waxyaabaha lagu heshiiyay sidoo kale waxaa ka mid ah, in laga shaqeeyo amniga guud ee xaafadda Howlwadaag, lalana shaqeeyo ciidamada Amniga.

Labada beel waxaa laga soo xulay 20 Askari oo beeshiiba waxaa laga keenay 10 Askari, kuwaasi oo guddiga ka kooban 10-ka xubnood kala shaqeyn doona xaqiijinta dhaqan galka heshiiskaasi iyo sidoo kale in ay sugaan amniga xafadda Howlwadaag.

Heshiiskaan ayaa ka dhigan in gabi ahaanba la xalliyay dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News