U bood dhigaalka

Waxgaradka Boosaaso Oo Amaanay Barnaamijka Gurmad Iyo Gargaar

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa amaanay barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ee Goobjoog News, kaasi oo mira dhalkiisa noqday in shacab badan oo Soomaaliyeed laga soo badbaadiyo dagaallada ka socda Yemen.

Qaar ka mid ah waxgaradkaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in Goobjoog ay noqotay middii ugu horeysay oo kumanaan qof oo Soomaaliyeed badbaadisay, maadaama ay shacabka baraarujisay islamarkaana u istaagtay sidii dadka loogu gurman lahaa.

“Idaacadda Goobjoog aad baan uga mahad celinay maxaa yeelay waxa ay bilawday in dadka ay kiciso, iyadoo dadkeenii ay Yemen ku dhamaanayeen, sidoo kale waxa ay indhaha shacabka ku jeediyeen shacabkooda lagu laynayo Yemen” ayuu yiri mid ka mid waxgaradkaasi.

Dhinaca kale waxgaradkaan ayaa kusii dhiira geliyay Idaacadda Goobjoog in ay sii xoojiso dadaallada ay ku doonayso in banaanka lagu soo dhigo xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

23-kii April ayaa Goobjoog Fm waxa ay bilawday barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, kaasi oo lagu baraarujinayay shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu gurmadaan walaalahooda ku dhibban Yemen, iyadoo ay suurta gashay in lasoo badbaadiyo in ka badan 10 kun oo qof, welina uu socdo gurmadka dadkaasi loo sameynayo.

Goobjoog News