U bood dhigaalka

Waxgaradka Caabudwaaq Oo Billaabaya Dhexdhexaadinta Beello Ku Dagaallamey Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Waxagaradka Degmada  Caabudwaaq ee gobolka Galgaduyud ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan wada hadal nabadeed oo xal looga gaarayo dagaallo ka dhacay degmadaasi in ay kala dhex dhigaan beello shalay ku dagaallamay Caabudwaaq.

Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo kamid ah waxgaradka Degmada Caabudwaaq ayaa isaga oo wareysi siinayey Goobjoog News waxa uu dagaalka Cabudwaaq ku tilmamay mid musiibo ah oo aan wax ulajeed laga lahayn, isagoo ugu baaqay inay dagaalka jojiyaan labada dhinac.

Waxaa uu sheegay in dagaalka uu geestay khasaare soo gaarey dadka shacabka ah oo markii horeba la dhibannaa xaalado kale oo dhanka nolosha ah.

Ka waxgarad ahaan ayuu sheegay iney ku baxayaan beelaha dagaallamaya, islamarkaana ay ku dadaalayaan in nabad iyo is faham la kala dhexdhigo Labada dhinac.

“Waa nagu qasab inaan kala dhex galno beelahan dagaallamaya, waa dagaallo aan ulajeed iyo dane kale toona laga lahayn, dagaallada waxaan leeyahay joojiya, annagane waan u tageynaa Labada dhinacba waana qasab iney joojiyaan dagaallada, maxaa yeelay shacab aan waxbo galabsan ayaa ku dhimanaya, dhaawacmaya kuna barakacaya” ayuu yiri suldaanka.

Dagaal u dhaxeeyay beello wada deggan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa shalayka dhacay degmadaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Goobjoog News