U bood dhigaalka

Waxgaradka Degmada Baraawe Oo Ku Howlan Xallinta Dagaal Dhex Maray Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in waxgaradka ku dhaqan halkaasi ay wadaan xallinta dagaal shalay degmadaasi ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Dagaalkii shalay ka dhacay degmadaasi oo ahaa mid xooggan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay 5 ruux oo dad shacab ah ay ku jiraan iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Xaaladda degmada Baraawe oo ka deggan sidii hore ayaa hadane dadka shacabka ah waxay ka baqayaan in mar kale dushooda lagu dagaallamo.

Odayaasha dhaqanka ah ayaa rajo ka muujinaya inay dhameeyaan is faham waaga ciidankaan soo kala dhex galay, kana dhaadhiciyaan in mar kale shacabka aanay ku dhex dagaallamin.

Goobjoog News