U bood dhigaalka

Waxgaradka Galmudug Oo Dhaliilay Hay’adaha Samafalka Ah Ee Ka Shaqeeya Mudug

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobalka Galmudug ayaa si kulul u cambaareeyay hay’adaha samafalka ah ee ka howlgala gobalka Mudug, kadib markii ay sheegeen in aysan shaqadii loo soo dhiibtay aanay u qaban sidii loogu tala galay.

Nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani oo ah afhayeenka Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa u sheegay Warbaahinta in Hay’adaha ay ka been abuuraan wax u qabashada shacabka dhibban, xilli dad badan ay xaalad adag hayso.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Mudug ay ku dhibaateysan yihiin shacab qaarkood curyaamiin ah, islamarkaana wixii samafal ah la siiyo dad gaar ah.

“Waxaa wax loo soo dhiibay in la siiyo agoonta, dadka curyaanka ah, dadka aan shaqeysan karin, laakiin waan ognahay waxa la siiyo, dad gaar ah baa dhammaan samafalkii faraqa loogu shubaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu dambeyn Nabadoon Yaasiin ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug State iyo madaxda hay’adaha ka howlgala gobalka Mudug in ilgaar ah lagu hayo qaabka gurmadka loo gaarsiinayo dadka shacabka ah ee dhibban.

Goobjoog News