U bood dhigaalka

Waxgaradka Galmudug Oo Ka Digey Sii Socoshada Dagaallada Godinlabe

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxa ay ka hadleen dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Waxay ka digeen sii socoshada dagaalladaasi, waxayna sheegeen in haddii dagaallada Godinlabe sii socdaan loo baqayo iney qabiil isku bedasho, sidaasi darteedna loo baahan yahay in nabadda laga wada shaqeeyo.

Nabadoon Cumar Maxamed Jimcaale oo kamid ah waxgaradkii kulankaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay Ahlu-sunna Waljameeca in aysan kusoo xadgudbin deegaan ay dad shacab ah ku nool yihiin.

“Aniga oo ku hadlaya Odoyaasha dhaqanka degmada Cadaado waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo xabadda ka socota Godinlabe, waxaan leenahay dadka xabadda riixaya ee ka yimid Dhuusamareeb naga daaya dagaallada, waxaan nahay deris, walaalnimada eega, Xeraale iyo Dhuusamreeb waa dad aan deris nahay, waxaan leenahay naga joojiya waxa aad waddaan, annaga waxaan nahay dadkii ka samray dhacdooyinkii hore, dhigay gogol nabadeed, haddii marka nalagu soo duulay wax aan reebaneyno malahan, waxaan leenahay waxaad kusoo duusheen ma ahan qaran ee waa qabiil” ayuu yiri Nabadoonka.

Waxgaradkan kulmay ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ka go’antahay ka shaqeynta nabadda iyo is dhexgalka bulshada, sidaasi darteedna laga doonayo dhinacyadii weerarka kusoo qaadey Godinlabe in si nabad ah ku laabtaan.

Goobjoog News