U bood dhigaalka

Waxgaradka Galmudug Oo Ku Baaqay In La Qaado Isbaarooyin Yaalla Mudug

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan deegaannada Galmudug ayaa ku baaqay in degdeg wax looga qabto maleeshiyaadka hubeysan ee Isbaarooyinka u dhigta gaadiidka isaga kala goosha deegaannada Galmudug.

Nabadoon Xasan Dhoore Guuleed oo kamid ah waxgaradkaasi ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in la dhibaateeyo dadka safarka ah ee isaga kala goosha gobollada Dhexe iyo kuwa Koonfureed.

Waxgradka kale ayuu sheegay in laga doonayo iney gacanta ku dhigaan wiilka dhallinyarada ah ee dhibaatada geysanaya, bedalkii la xalin lahaa wixii uu sameeyay.

Wuxuu tilmaamay Nabadoonka in haddii ay bulshada u midowdo iney gacanta ku dhigaan maleeshiyaadka isbaarada dhiganaya ay sahlanaaneyso in nabad lagu soo dabaalo deegaannada Galmudug.

“Walaalayaalow runta hala isku sheego, wiilka yare e qoriga haysta qofkii uu dilo magta waa la idiin ka qaadayaa, gaarigii uu haleeyo sidoo kale, maxaad u dhowraneysaan maad wax ka qabataan,  mise waxaad wax ka qaadataan wixii uu meeshaas kasoo qabto, dadku wey dhibtoodeen, waana in loo midoobaa wax ka qabashada isbaarada” ayuu yiri nabadoon Xasan.

Hadalka nabadoonka ayaa imaanaya xilli deegaannada qaar ee Galmudug ay yaallaan isbaarooyin lacag looga qaato gaadiidka, mararka qaarna dhibaato ayeey la kulmaan dadka rakaabka ah.

Goobjoog News