U bood dhigaalka

Waxgaradka Galmudug Oo Ku Baaqay Joojinta Dagaal Beeleed Ka Jira Galgaduud

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan deegaannada Galmudug ayaa ku baaqay in la joojiyo xiisad beeleed maalmahani ka jirtay deegaanno ku yaalla xadka gobolka Galgaduud ee Itoobiya.

Suldaan Maxamuud Khaliif Afduub oo ka mid ah waxgaradkani ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay dagaalladaasi socda iyo sidoo kale shacabka la laayay.

Waxa uu tilmaamay in ka waxgarad ahaan ay aad uga xunyihiin haween iyo caruur dhawaan lagu dilay deegaanka Gacandhaale oo ka tirsan Galgaduud kuna yaalla xadka gobalkaasi ee Itoobiya.

Caruurta iyo Haweenka la dilayo ayuu sheegay inay tahay wax dhaqanka Soomaaliyeed ku cusub, islamarkaana ay la yaabeen markii ay falalkaasi maqleen.

Waxa uu dhinacyada isku haya halkaasi ugu baaqay inay wada hadal nabadeed galaan, islamarkaana aan dhiig daatay lagu bedalin dhiig kale.

Deegaanno ka tirsan gobalka Galgaduud gaar ahaan kuwa dhaca xadka Itoobiya waxaa sidaan oo kale uga dhaca dagaallo beeleed sababa khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News